Abiy Axmed oo jeediyay hadal halis ku ah jiritaanka Soomaaliya

Image
Image
Image

WADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa mar kale wuxuu jeediyay khudbad dood culus dhalin karta oo ku saabsan isbedaladda Geeska Afrika, oo ku socda waqti xaadirkaan si xowli ah.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad xarig jarka Trbebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Baahir Dar waxa uu ka dhawaajiyay Abiy in dalalka Geeska Afrika ay usocdaan inay yeeshaan mustaqbalka hal Madaxwayne.

Madaxwaynah dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea Isaisas Afwerk ayaa qayb ka ahaa madaxdii xafladda xaadirka ku ahayd, xili ay dhamaantooda bogaadiyeen isbedalka Geeska Afrika.

“Maanta Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya waxa uu shaaca ka qaadey in Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya aysan sii ahaan doonan sadadex Madaxweyne mustaqbalka,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Wakaaladda Wararka Eritrea.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili muddo billo ah kahor Abiy Axmed yimid Muqdisho booqasho ku yimid ka sheegay in dalkiisa iyo Soomaaliya la mideyn doono.

Oraahdaasi oo aysan wali ka hadlin Madaxtooyadda Soomaaliya ama Madaxwayne Farmaajo toona waxaa si adag uga fal-celiyay shacabka Soomaalida oo cabsi ka qaba madax-banaanida dalkooda Mustaqablka madaama Dowlada jirita awood ciidan iyo mid siyaasadeed laheyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM