Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha mudo-xileedkiisa dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku tagey dalka Itoobiya, ayaa shalay kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed, kaasoo ka dhacay Addis Ababa.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida dalkaasi.

Dhankiisa, Abiy Axmed ayaa yiri: "Waxaan wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud, waxaana ka wada hadalnay xoojinta xiriirka dhaqaale, iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka, iyadoo wada-shaqeynteennu ku dhisan tahay kalsooni iyo is-ixtiraam."

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo dibadda ku aado tan iyo markii mudo-korarsiga sharci-darrada ah ee sanadka ah sameystay bishii May.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM