Afar xildhibaan oo maanta lagu dooranayo Dhuusamareeb

Image
Guddiga ayaa shaaciyay musharaxiinta ay u diiwaan galiyeen kuraastaan kuwaas oo la guddoonsiiyay shahadaada musharaxnimo.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Magaalada Dhuusmareeb ee Caasimadda DG Galmudug waxaa maanta oo khamiis ah lagu qabanayaa doorashada doorashada 4 kursi oo ka mid kuraasta Golaba Shacabka sida uu shaaciyay guddiga doorashada heer maamul ee SEIT.

Guddiga ayaa shaaciyay musharaxiinta ay u diiwaan galiyeen kuraastaan kuwaas oo la guddoonsiiyay shahadaada musharaxnimo.

HOP#139: oo ay u sharaxanyihiin labo musharax oo kala; Cabdisamad Maxamuud Xasan iyo  Xamdi Shire Cali. Waxaana ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad Xil Cabdixakiin Macalin Axmed oo xubin ka mid ah Aqalka Sare noqday.

HOP#049 ayaa waxaa ku tartami doonta 4 musharax oo kala ah: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdullaahi Cali Guutaale, Jamiilo Cali Xayle iyo  Cabdinuur Ciise Xiirey. Waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10ad Xil Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo markale u tartamaya.

HOP# 051 ayaa waxaa ku tartami doonta labo musharax oo kala ah; Xuseen Maxamed Nuur iyo Maxamed Geedi Cawaale. Waxaana ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad Xil Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali.

Kursiga u dambeeya oo ah kursiga afaraad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP#061 ayaa waxaa ku tartami doontaa labo musharax oo kala ah; Dayax Axmed Cali Cumar iyo Cabdiqaadir Abuukar Cabdi. Waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xil  Cabdiwali Maxamed Qanyare Afrax.

Kursiga shanaad oo qorshuhu in maanta la qabto ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira khilaaf xooggan oo ka taagan Kursigaan oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Xildhibaan Saabir Shuuriye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM