Afar xildhibaan oo maanta lagu dooranayo Dhuusamareeb

Image
Guddiga ayaa shaaciyay musharaxiinta ay u diiwaan galiyeen kuraastaan kuwaas oo la guddoonsiiyay shahadaada musharaxnimo.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Magaalada Dhuusmareeb ee Caasimadda DG Galmudug waxaa maanta oo khamiis ah lagu qabanayaa doorashada doorashada 4 kursi oo ka mid kuraasta Golaba Shacabka sida uu shaaciyay guddiga doorashada heer maamul ee SEIT.

Guddiga ayaa shaaciyay musharaxiinta ay u diiwaan galiyeen kuraastaan kuwaas oo la guddoonsiiyay shahadaada musharaxnimo.

HOP#139: oo ay u sharaxanyihiin labo musharax oo kala; Cabdisamad Maxamuud Xasan iyo  Xamdi Shire Cali. Waxaana ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad Xil Cabdixakiin Macalin Axmed oo xubin ka mid ah Aqalka Sare noqday.

HOP#049 ayaa waxaa ku tartami doonta 4 musharax oo kala ah: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdullaahi Cali Guutaale, Jamiilo Cali Xayle iyo  Cabdinuur Ciise Xiirey. Waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10ad Xil Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo markale u tartamaya.

HOP# 051 ayaa waxaa ku tartami doonta labo musharax oo kala ah; Xuseen Maxamed Nuur iyo Maxamed Geedi Cawaale. Waxaana ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad Xil Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali.

Kursiga u dambeeya oo ah kursiga afaraad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP#061 ayaa waxaa ku tartami doontaa labo musharax oo kala ah; Dayax Axmed Cali Cumar iyo Cabdiqaadir Abuukar Cabdi. Waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xil  Cabdiwali Maxamed Qanyare Afrax.

Kursiga shanaad oo qorshuhu in maanta la qabto ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira khilaaf xooggan oo ka taagan Kursigaan oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Xildhibaan Saabir Shuuriye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM