AFRICOM oo bogaadisay "gulufkii ugu waynaa" kana dhan ah Al-Shabaab

Image
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay "27 argagixiso ah" ku dileen duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa bogaadiyay howlgalkii amniga ee ‘ugu weynaa’ ee muddo shan sano ah ka dhanka ah Al-Shabaab, sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.

Taliska Mareykana ee Afrika ayaa bayaankooda waxay ku shaaciyeen in howlgalkan ay fuliyeen ciidamada isku dhafka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Hase ahaatee, ma aysan caddeyn goobaha ay ka fuliyeen. Balse wuxuu warkan kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay howlgalo xooggan ka socdeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgaladaas oo ay kaalinta ugu weyn lahaayeen dadka degaanka ee la baxay "Macawiisley" ayaa lagu xoreeyay in ka badan 30 degaano, sidda uu sheegay milatariga Soomaaliya.

Sidda ay baahisay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, inta uu socdey howlgalkaas ayaa lagu dilay "in ka badan 200 dagaalame Al-Shabaab laguna soo qabtey 300 maxaabiis ah"

Dhanka kale, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn ay 18-kii September kula beegsadeen Al-Shabaab meel u dhow magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan kadib markii ay weerareen ciidamadda Soomaaliya.

AFRICOM ayaa, sidda ku xusan bayaanka uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, waxaa duqeynta ay dishay "27 argagixiso ah" aysana jirin waxyeelo shacab.

Weerarkan drone-ta ah ayaa "lagu fuliyey codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay U.S. Africa Command (AFRICOM). Dhanka kale, dowladda ayaa ka mahadcelisay duqeyntaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM