AFRICOM oo Duqeyn Ka Fuliyey Buuraleyda Calmiskaad ee Puntland

Image

AFRICOM oo Duqeyn Ka Fuliyey Buuraleyda Calmiskaad ee Puntland

Puntland – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Isniintii sheegay in ay duqeyn cirka ah ku fuliyeen kooxda ISIS ee ku sugan gobolka Puntland, gaar ahaan meel ku dhow magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Bayaanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka cirka ah uu ka dhacay qiyaastii 60km (37 mayl) koonfur-bari kaga beegan Boosaaso, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalyahannada Daacish (ISIS).

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta, iyadoo aan la shaacin tiro dhimasho ama dhaawac ah, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyey burburka ka dhashay weerarka.

Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa taageero siinaya unugyada amniga Puntland oo dagaal kula jira dagaalyahanada ISIS ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmiskaad — meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah hawlgalka Puntland ee lagu ciribtirayo kooxdaasi.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii 81-aad ee Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya sanadkan 2025, taasoo ka badan tiradii duqeymaha ee sanadkii 2019 oo ahayd 63, markaas oo uu xilka hayey maamulka Trump.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkan weeraro ka fulisay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo taageeraya dagaalka joogtada ah ee dowladda federaalku kula jirto kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM