Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo degdeg ah oo lagu soo celinayo kalsoonida bulshada ee daryeelka hooyada, kadib markii haweeney foolanaysay laga diiday in lagu daweeyo Isbitaalka Hooyada iyo Carruurta ee Banaadir, taas oo ku umushay iridka hore ee isbitaalka.

Arrintan oo lagu arkay muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa dhalisay caro iyo dhaleeceyn ballaaran oo ka timid shacabka iyo bulshada caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif, oo ah xaaska wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Adaala, isaga oo magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali inuu noqdo agaasimaha cusub ee isbitaalka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa dhacdadan ku tilmaantay “ku xadgudub culus oo ka dhan ah waajibaadka shaqo iyo karaamada aadanaha”, waxayna sheegtay in la bilaabay baaritaan degdeg ah.

Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sheegay in isbeddelka hoggaanka uu yahay mid lagama maarmaan ah si dib loogu dhiso kalsoonida Isbitaalka Banaadir oo ah xarun muhiim ah oo lagu daryeelo hooyooyinka iyo carruurta, isla markaana lagu hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay agaasimihii hore shaqadii ay soo qabatay, isagoo xusay in isbeddelkan uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale shaacisay in la hakiyay shaqaalihii xiligaas ku sugnaa isbitaalka ilaa baaritaanka lagu hayo uu dhamaado, isla markaana la hirgelinayo isbeddello maamulka iyo hufnaan lagu xaqiijinayo.

Dr. Cali ayaa ku booriyay agaasimaha cusub inuu mudnaanta siiyo isla xisaabtanka, daacadnimada iyo daryeel naxariis leh, isagoo sheegay in hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg caafimaad oo tayo leh, degdeg ah, isla markaana bini’aadannimo ku dhisan.

— Garowe Online

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM