Agaasimaha NISA oo isu sharaxaya xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed [Sabab]

Image

BAYDHABO - Agaasimaha hay’ada sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen “Calool Kuus” ayaa xilka iska casiley isagoo la filayo in maalmaha soo socda ku dhawaaqo inuu musharax u yahay xilka Madaxweyha maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa is-casilaadiisa waxaa lagu shaaciyey barta Twitter NISA ku leedahay iyadoo la sheegey in arimo gaar u ah shaqada uga tagey.

Taliyaha oo kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa sida la rumeysan yahay waxaa   musharxnimadiisa  ka dambeysdambeeya  Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey sababta Calool Kuus isugu sharaxayo xilkaan ay la xiriirto labo arimood; Musharaxa ka socda dhinaca Dowlada- horeyna u ahaan jirey ku xigeenka Al Shabaab Mukhtar Roboow oo shaki la galiyey kadib markii cunaqabateyn caalami ah ku soo baxdey; iyo isagoo noqdey qabiilka Mirefle.

Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed ayaa wararku sheegayaan inuu kasoo jeeda Beelaha Mirifle taasoo adkeyneysa in la doorto Madaxweyne isla-beeshaas kasoo jeeda.

Qof ka warqaba Hab-qaybsiga beelaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa GO u sheegay in Taliyaha NISA uu kasoo jeeda beelaha Digil waana sababta keentey in Villa Soomaaliya ula soo degdegto musharaxnimadiisa.

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dhaceysa bisha November ayaa la filayaa iney noqoto mid aad u adag madaama Dowlada Federalka ku dadaaleyso sidii  ay wax uga badali laheyd natiijada. 

Madaxweyne Shariif Xasan oo muddo ku soo dhex-jirey siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa uu haystaa tageerada maamulada xiriirka dhowaan u jarey Dowlada Federaalka ah.

Dowlada Federaalka ayaa ku dadaaleysa sidii siyaasiyiin gacan-saar la leh ugu guuleysan lahaayeen gacan ku haynta maamulada Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Horumarinta Garsoorka

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda si weyn loogu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

  • Soomaliya

    01-03-2026

  • 11:45AM

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM