Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo booqasho lama-filaan ah ku tegay Muqdisho

Image

MUQDISHO — Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka dalka Itoobiya, Redwan Hussein, ayaa subaxnimadii hore ee Maanya soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo siday farriin muhiim ah oo uu ka siday Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Redwan Hussein ayaa farriintan u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii uu kulan kula qaatay madaxtooyada Villa Somalia. Booqashadan oo ahayd mid aan horay loo sii shaacin, ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo ay xaalad gobolka ka taagan tahay.

Ilaa hadda, Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan soo saarin wax faahfaahin ah oo ku saabsan nuxurka farriinta uu siday sarkaalkan sare ee ka tirsan dowladda Itoobiya. Redwan ayaa wuxuu la kulmay Mahad Salaad, taliyaha NISA oo ku qaabiley xarunta hay'adda. Lama oga waxay kawada hadleen illaa hadda.

Socdaalkan ayaa yimid maalmo yar ka dib markii Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu dalkiisa ku martigaliyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu khilaaf diblomaasiyadeed ka dhashay warka ku saabsan in dalka Israel uu aqoonsaday madax-bannaanida Somaliland, taas oo dhalisay falcelin xooggan oo caalami ah.

Siyaasiyiinta falanqeeya arrimaha gobolka ayaa aaminsan in booqashadan ay tahay isku day la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda gobolka, iyo sidii loo xallin lahaa khilaafaadka ka dhashay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo Somaliland dhex maray bilowgii sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM