Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Wasaaradda Kalluumeysiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Digreeto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee iyo Lataliyaha sare ee Wasaaradda.

Wareegtadda oo uu ku saxiixnaa Wasiir Cabdulaahi Bidhaan Warsame, oo sidoo kale ah Xilldhibaan Gollaha Shacabka ah ayaa lagu xusay in magacaabistaan uu ka war-qabo Ra'iisul Wasaaraha dalka.

Agaasimaha Guud ayaa laga dhigay Maxamuud Cabdullaahi Cabdiraxmaan, halka Lataliyaha sarre loo magacaabay Cabdirisaaq Diiriye Warsame, kaasi oo jagadda loo dhiibay Cabdiraxmaan laga qaaday.

Lagu xusin bayaanka sababta ka dambeysay in xilka laga qaado Warsame, balse waxay qayb ka tahay isbedalo aan xad lahayn oo bilooyinkii dambe lagu sameynayo Wasaaradaha kala duwan ee dalka.

Xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre taasoo la magacaabay bishii Maarso ee sanadkii hore 2017 ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen howlihii loo igmaday, oo amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka Al Shabaab ay kamid yihiin.

HOOS KA AKHRI DIGREETADDA:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM