Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Wasaaradda Kalluumeysiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Digreeto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee iyo Lataliyaha sare ee Wasaaradda.

Wareegtadda oo uu ku saxiixnaa Wasiir Cabdulaahi Bidhaan Warsame, oo sidoo kale ah Xilldhibaan Gollaha Shacabka ah ayaa lagu xusay in magacaabistaan uu ka war-qabo Ra'iisul Wasaaraha dalka.

Agaasimaha Guud ayaa laga dhigay Maxamuud Cabdullaahi Cabdiraxmaan, halka Lataliyaha sarre loo magacaabay Cabdirisaaq Diiriye Warsame, kaasi oo jagadda loo dhiibay Cabdiraxmaan laga qaaday.

Lagu xusin bayaanka sababta ka dambeysay in xilka laga qaado Warsame, balse waxay qayb ka tahay isbedalo aan xad lahayn oo bilooyinkii dambe lagu sameynayo Wasaaradaha kala duwan ee dalka.

Xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre taasoo la magacaabay bishii Maarso ee sanadkii hore 2017 ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen howlihii loo igmaday, oo amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka Al Shabaab ay kamid yihiin.

HOOS KA AKHRI DIGREETADDA:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM