Ajaaniibta ku sugan Soomaaliya oo amarro la dul-dhigay [Akhri]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer-illaalinta Soomaaliya ayaa ku amartay ajaaniibta ku nool dalka guud ahaantiisa in aanu ka bixin iyagoo aanan ka haysan Hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadaha warqad ogolaansho ah.

Axmed Cli Daahir, Xeer-illaaliyaha guud ee dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed uu saameynayo amarkani, isagoo ku baaqay inay u hogaan samaan.

"Hay'adda socdaalka waa mid muhiim u ah illaalinta xuduudadaha dalka. Ajaaniibta iyo dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in aysan ka bixin iyaga oo aanan haysan ogolaansho," ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Xeer Ilaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ma uusan soo hadal-qaadin hadii amarkani uu saameynayo diblumaasiyiinta ku sugan xerada Xalane, maadaama ay kamid yihiin shisheeyaha dalka ku dhaqan.

Go'aanadda kasoo baxa hay'addaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya ayaanan inta badan u fulin sidii loo baahnaa tan iyo burburkii dalka, taasi oo ay u wacan tahay inaanu haysan awood ay ku fuliso.

Hadalka xeer-illaaliyaha ayaa imaanaya xili hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ay wajaheyso caqabado ku aadan inay qaar kamid ah dalalka caalamka ku qanciso inay aqoonsadaan Passport-ka dalka.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa haatan dhibaato ku qaba marka ay timaado inay dalka uga dhoofaan Passport-ka dalka, taasi oo ay ugu wacan tahay in qaar kamid ah dalalka caalamk aysan aqoonsaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM