Ajaaniibtii lagu haystay xeebaha Boosaaso oo dalkooda lagu celiyay

Image

BANGKOK, Thailand – Kalluumeysato u dhalatay Thailand, kuwaasi oo la sheegay in lagu haystay biyaha Soomaaliya ayaa Isniinta ah maanta ah waxay dib ugu laabteen dalkooda hooyo.

Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha wadankaasi oo shaaca ka qaadey in shaqsiyaadka lagu guriya celiyay ay gaarayaan 18 ayaa xustay in ay kasoo kicitameen magaalada Dubai.

Wargeyska afka dheer ee Bangkokpost ayaa wuxuu ku waramayaa in 14 kale ay baaqi ku yihiin xarunta ganacsiga Imaaraadka, halkaasi oo ay ku sugayaan afar kale oo ay shaqo wadaag yihiin.

Xubnaha oo la shaqeynayey Doon kalluumeysi oo magaceeda lagu tilmaamay Wadani 1 ayaa la xusay in ay la kulmeen tacadiyo dhanka shaqadda, waxaana xalkooda lagu sifeeyay "adoonsi".

Dib u celintooda oo ay gacan ka geysatay dowladda Puntland maadaama xeebaha ku teedsan Boosaaso lagu haystay ayaa waxay ka dambeysay markii reerkooda ay dalbeen in wiilashooda loosoo furto.

Waalidiinta ayaa laga soo xigtay in caruurtooda aysan helin gunooyinkooda qayb kamid ah qandaraas laba sano oo ay kula jireen mas’uuliyiinta Doontaasi kalluumeysi oo aanan wali hadlin.

Inta badan shaqaalaha oo kasoo jeeda gobolada Buri Ram, Phetchabun iyo Surin ee dalka Thailand ayaa la kulmi doona Wasiirka Shaqalaha, Chatu Mongol Sonakul, waxaana la siinayaa lacag.

Sonakul ayaa laga soo xigtay in ay baaritaano ku sameyn doonan hadii sheekadda raggan ay la xiriirta adoon-sasho, inkasta oo uu hoosta ka xariiqay in illaa iyo haatan aysan taasi muuqan.

Sikastaba ha haataee, dowladda federaalka Soomaaliya iyo xukuumada Garowe ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin dhacdada xubnahan xili la tilmaamay in lagala soo xiriiray arrintooda, jawaabna ay ka bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM