Ajandaha shirka madaxda Soomaaliya u bilowday oo la sharaxay

Image
Hogaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay wadahadalo uga furmeen Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey maalinta koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Madatooyadda ee Muqdisho.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa si wadajir ah uga qeybgalaya wadahadaladan muhiimka u ah qorshaha xukuumada afarta sano soo aadan.

Arrimaha ajandaha ku jia waa dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada dowlad-goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xoreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka kasoo barakacay Abaaraha iyo Argagixisada," ayay raacisay Villa Soomaaliya.

Warar madax-banaan ayaa tibaaxaya in ajandaha uu qeyb ka yahay muddo xileedka madaxwayneyaasha maamuladda oo kulankii ka horeeyay ay madaxdu ku heshiiyeen in mid kasta hal sano loo kordhiyo.

Go'aankaas kadib iyo kahor, waxaa min hal sano kororsadey hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo HirShabelle oo haatan muddo xileedkooda lamid noqonayo Puntland oo ah shan toos ah.

Madaxwayne Saciid Deni ayaa haatan ku guda jira bilooyinkii ugu dambeeyay muddo xileedkiisa balse wadda qorshe uu ku goobayo kororsi isaga oo adeegsanaya kaarka doorasho toos ah taasoo dadka ay si adag uga digeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM