Somalia: Arrinta Qalbi Dhagax oo lagu daray Ajandaha Barlamanka

Image

MUQDISHO, Somalia - Kulan Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu shalay, 07 September, 2017 ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa lagu go'aamiyay in maalinnimada Sabtida uu dib u furmi doono kulamadii caadiga ahaa ee Barlamanka, kadib Arrimo la xariira gudashada waajibaadka Xajka ay Xildhibaanada fasax ugu maqnaayeen.

Guddiga ayaa sidoo kale isla gartay in Ajandaha ugu horeeya lagu daro Arrinta bulshada Soomaaliyeed Maalmahan ku faaqidayeen baraha bulshada ee ku saabsan dhiibista Cabdikariim "Qalbi Dhagax" oo dhowaan loo dhiibay dowladda Ethiopia, sida ay xukuumadda shaacisay.

Kulankan oo ahaa midkii 11-aad, islamarkaana uu goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalle Cawad, ayaa sidoo kale looga hadlay axdi ku saabsan Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India.

Dhinaca kale, Guddiga ayaa isla gartay in xukuumada laga talo galiyo Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay dhawaan Golaha Shacabka usoo gudbiyeen sidii loo kale siin-lahaa hortabinta (Aqrinta 1-aad).

Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka Canbdikariin Xaaji Cabdi (Buux) oo kulanka kadib warbahinta la hadlay ayaa sheegay kulanka Sabtida soo aadan oo kulamada Baarlamaanka ay furmayaan in looga hadli doono go’aankii ka soo baxay Xukuumadda.

“Waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah waxaase ugu muhiimsaneyd go’aankii ka soo baxay Xukuumadda oo ku saabsanaa arrinta Sarkaalka ONLF, ee lagu wareejiyay Ethiopia, Ajandaha kaas ayuu noqonayaa kulanka Sabtida.” Ayuu yiri Buux.

Warar hoose ee uu Warsidaha Garowe Online ka helayo Vill Somalia, ayaa sheegaya in madaxda sare ee dalka iyo Xildhibaano kawada hadleen xaaladdihii ugu dambeeyay ee soo kordhay iyo sidii looga shaqayn lahaa hormarka hadda lagu socdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM