Ajendayaasha kulamada soo aadan ee Golaha Shacabka oo laga shiray

Image
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee Golaha horyaala ayna tahay inuu Golaha ka shaqeeyo kalfadhigan shanaad.

Sidoo kale guddoomiyaasha guddiyada Golaha ayaa soo gudbiyay guddi walba hindise sharciyeedyada horyaala iyo habraacyada ay marayaan, waxaana Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ay ka doodeen ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay dardargelinta shuruucda muhiimka u ah horumarinta dowladnimo ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM