Ajendayaasha kulamada soo aadan ee Golaha Shacabka oo laga shiray

Image
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee Golaha horyaala ayna tahay inuu Golaha ka shaqeeyo kalfadhigan shanaad.

Sidoo kale guddoomiyaasha guddiyada Golaha ayaa soo gudbiyay guddi walba hindise sharciyeedyada horyaala iyo habraacyada ay marayaan, waxaana Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ay ka doodeen ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay dardargelinta shuruucda muhiimka u ah horumarinta dowladnimo ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM