Al-Shabaab iyo Kaarka NIRA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay u soo gudbiyeen warbixin caddeyneysa in kooxda Al-Shabaab ay ku amartay xubnaheeda inay isdiiwaangeliyaan oo ay qaataan Aqoonsiga Qaranka ee cusub.

Madaxweynuhu oo ka hadlayay kulan lagu dardargelinayay hirgelinta nidaamka aqoonsiga dijitaalka ah ayaa arrintan ku tilmaamay “fursad amni,” isagoo sheegay in isdiiwaangelinta biometric-ka ay sahlayso in si fudud loo aqoonsado qof kasta oo ku lug leh argagaxisada.

“Ha qaataan… farahooda iyo wajiyadooda waa la garan doonaa,” ayuu ku yiri isagoo qosol la socday. “Waa muwaadiniin Soomaaliyeed oo argagaxiso noqday.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu door muhiim ah ka ciyaarayo xaqiijinta amniga, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagaxisada, lacag dhaqidda sharci-darrada ah iyo dambiyada kale. Waxa uu intaas ku daray in aqoonsiga cusub uu noqon doono qalab muhiim u ah ka hortagga dadka dambiyada ku lug leh ee isku daya inay dibedda u safraan oo khatar ku noqdaan waddamo kale.

Madaxweynuhu waxa uu uga digay hay’adaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed in aanay adeegyo siin dadka aan wadan Aqoonsiga Qaranka, isagoo sheegay in tallaabadaasi lagu fasiri doono “caawinta argagaxisada ama fal-dembiyeed,” isla markaana lagula xisaabtami doono sharciga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qirtay in musuq-maasuq uu ka jiro habka isdiiwaangelinta, isagoo si adag u cambaareeyay dadka iibsanaya ama iibinaya tigidhada galitaanka xarumaha diiwaangelinta ama si ula kac ah u abuura safaf dhaadheer.

“Qofka isku daya inuu lacag ku helo isagoo caqabad ku noqda muwaadinka ka soo tegay ganacsigiisa si uu u iska diiwaangeliyo — nolol xalaal ah ma helayo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah dadaalka ballaaran ee dowladda federaalka ku doonayso inay ku casriyeyso adeegyada dowliga ah, isla markaana lagu xoojinayo amniga guud ee dalka.

Xogta muwaadiniinta ayaa la sheegay inaysan NIRA maamulin oo dowladda Pakistan gacanta loo geliyay, iyadoo data system-ka uu yaalla dalkaasi, oo laga maamulo. Dad badan ayaa sheegay xitaa inay xogta u sahlan tahay inay Al-Shabaab hesho.

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM