Al-Shabaab oo baahisay sawirada weerarkii Bariire iyo Awdheegle

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa baahisay sawiro ay ku sheegtay weerarka ay todobaadkan ku qaadey xerooyinka ciidamadda Soomaaliya ee degaanka Bariire iyo degmadda Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida oo faafisay sawirada iyo muuqaaladda ayaa waxaa ka muuqdey gaadiid ciidan, hub iyo meydadka askar.

Baahintan ayaa kusoo hagaageysa xilli taliska ciidanka Soomaaliya uu dhankiisa soo bandhigay meydadka xubno Al-Shabaab ah kuwaasoo uu tibaaxay in weerarka lagu dilay.

Guulaha ay dhinacyadda kala sheeganayaan ma jirto cid si gaar ah u xaqiijin karta. Taliska ciidanka Soomaaliya wuxuu xusay in weerarka iska caabiyey kuna dilay ku dhowaad 80 kamid ah ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa tibaaxdey in weerarka guuleystay kuna dishay tobanaan askar Soomaali ah kuna jiraan saraakiil ciidan.

Taliyaha ciidanka Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa daaha ka rogay in xubnaha ay dileen ay ku jiraan saraakiil sarre. Masoo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa.

Degaanka Bariire iyo degmadda Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha markii ay qabsadeen ciidanka Soomaaliya ay hoos u dhaceen qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM