Al-Shabaab oo baahisay sawirada weerarkii Bariire iyo Awdheegle

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa baahisay sawiro ay ku sheegtay weerarka ay todobaadkan ku qaadey xerooyinka ciidamadda Soomaaliya ee degaanka Bariire iyo degmadda Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida oo faafisay sawirada iyo muuqaaladda ayaa waxaa ka muuqdey gaadiid ciidan, hub iyo meydadka askar.

Baahintan ayaa kusoo hagaageysa xilli taliska ciidanka Soomaaliya uu dhankiisa soo bandhigay meydadka xubno Al-Shabaab ah kuwaasoo uu tibaaxay in weerarka lagu dilay.

Guulaha ay dhinacyadda kala sheeganayaan ma jirto cid si gaar ah u xaqiijin karta. Taliska ciidanka Soomaaliya wuxuu xusay in weerarka iska caabiyey kuna dilay ku dhowaad 80 kamid ah ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa tibaaxdey in weerarka guuleystay kuna dishay tobanaan askar Soomaali ah kuna jiraan saraakiil ciidan.

Taliyaha ciidanka Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa daaha ka rogay in xubnaha ay dileen ay ku jiraan saraakiil sarre. Masoo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa.

Degaanka Bariire iyo degmadda Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha markii ay qabsadeen ciidanka Soomaaliya ay hoos u dhaceen qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM