Al Shabaab oo soo bandhigtay khasaaraha dagaalkii Ceel-Baraf

Image
Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sidoo kale hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa dadka ku nool degaanka Ceel-Baraf iyo hareerihiisa waxay ku fasaxeen inay qaataan agabkii yaallay xerada ay kala wareegeen ciidamada Burundi oo aad loogu laayey gudaha iyo hareeraha xerada.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Durbadiiba shacabku waxay bilaabeen inay fuqsadaan guryihii ciidanka ee ku dhex yaallay xerada ay Al-Shabaab la wareegeen, waxaana sawirradii la qaaday ka soo muuqday dad badan oo shacabkii deegaanka ah oo xerada bililiqeysanaya.

Sidoo kale warbaahinta kooxda ayaa baahisay sawirro badan oo laga qaaday meydadka ciidankii ATMIS ee la laayey oo daadsan xerada, gaadiid, rasaas iyo dhamaan sahaydii ciidanka ee xeradaas taallay ayaa gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarka iyaga oo sheegay in uu ahaa mid fulaynimo ah oo lagu qaaday ciidanka Nabad ilaalinta u jooga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM