Al-Shabaab oo eedeyn jaajuusnimo u toogatay lix qof

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa waxay sheegtay in ay fagaare ku toogatay 6 qof oo ay ku jirto haweeney kuwaasoo ay ku eedeysay inay “basaasnimo” kula shaqeynayeen Mareykanka.

Xukunka dilka ah ayaa ka dhacay magaalada Saakow Axadii. Qaadiga Al-Shabaab ayaa ku andacooday in lixda “qirteen” in ay ahaayeen “jaajuusiin” balse ma uusan soo bandhigin caddeymo taageera sheegashada.

Fagaaraha lagu toogtay shaqsiyaadkan oo ku yaala isla degmadan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu waramay in ay goobjoog ka ahaayeen dadwayne iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka ururkan gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa baahisay magacyada shaqsiyaadkan kuwaas oo da'dooda ay u dhaxeyso 30-sano jir illaa 55-sano jir.

Magacyada ayaa kala ah;

1: Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36-jir)

2: Cabdi Xassan Axmed (29-jir)

3: Fartuun Cumar Abkow (36-jir)

4: Ibraahim Cumar Cali (55-jir)

5: Saaddaam Cismaan Maxamed (21-jir)

6: Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36-jir)

Sida ku xusan warbixinta warbaahinta maleyshiyada Al-Shabaab, shaqsiyaadkan ayaa si gaar ah waxaa loogu haystaa in ay fududeeyeen weeraro cirka iyo dhulka ah oo ciidamada Mareykanka ay fuliyeen.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dowladda Puntland ay shalay toogatay 21 dagaalame oo lagu eedeeyay in ay Gaalkacyo ku dileen ku dhowaad 300 ruux 13-kii sano ee lasoo dhaafay.

Bishii Maarso 3-deeda sanadkan 2021 ayay ahayd markii ugu dambeysay oo ay Al-Shabaab dil toogasho ku fulisay shan ruux kale oo ay ku eedeysay in ay basaasiin u ahaa hay'adda mukhaabaraadka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM