Al-Shabaab oo "gudoomiye" cusub u magacawdey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa "gudoomiye" cusub u soo magacawday Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, oo ay ka fuliso weeraro sidoo kalena ka hesha lacago ay si qasab ah uga qaado ganacsatada.

Wakiilka cusub oo ah nin si qarsoodi ah u shaqeyn doona ayaa lagu magacaabaa Daahir Macalin Salaad, oo mudo dheer kasoo mid ahaa garabka Sirdoonka Al-Shabaab ee loo yaqaano "Amniyaat".

Daahir ayaa bedelaya Cali Maxamed Xuseen [Cali Jabal] kaasoo Mareykanka ku diley duqeyn diyaaradeed bishii July ee sanadkii 2017 taasoo ka dhacday duleedka degaanka Tortoroow, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM