Al shabaab oo Labo qof ku toogatey Fagaaro ku yaalla Jamaame

Image

JAMAAME, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa saaka fagaaro ku yaalla degmada Jamaame ku toogatay labo ruux oo ay ku eedaysay inay la shaqeynayeen Sirdoonka maamulka Jubbaland.

Xukunka dilka ah waxaa lagu fuliyay Ibraahim Abuukar Farxaan oo  27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo isna 26 sano jir. Dadweyne aad u tiro badan, ooo isagu jiray Rag, Haween iyo Carruur ayaa usoo daawasho tagey dilka toogashada ah.

Rag hubaysan oo katirsan Al shabaab, oo wajiga duubtay ayaa labada eedaysane ku toogtey fagaaraha degmada Jamaame, ee gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo kamid ah goobaha ay ku xoog badan yihiin dagaalyahanada xiriirka la leh Al Qaacida.

Maxkamada Al shabaab ee Jamaame ayaa riday xukunka dilka ah, iyadoo aysan jirin wax qareen ah oo u dooday eedaysaniyaasha la toogtay, oo la sheegay inay kamid ahaayeen dadka Beeralayda ah, ee ku dhaqan Jamaame.

Al shabaab ayaa inta badan xukun dil ah ku fulisa dadka ay u aragto inay kasoo horjeedaan fekerkeeda iyo dagaalka ay kawado Somalia, iyadoo xukunada dilalka ah ay inta badan ka dhacaan meelaha ay ka maamusho dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM