Al-Shabaab oo ku riyooneysa in ay isku ballaariso Soomaaliya

Image
Hoggaamiye ku xigeenka Kooxda Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ayaa waraysi naadir ah ku sheegay damacooda.

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan shan iyo toban sano kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab ayaa dagaal dhiig badan ku daatay ka waday Soomaaliya, waxa ayna wali ku hanjabayaan sii wadistooda dagaalka.

Hadda, iyadoo Madaxweyne Biden uu dib u soo celinayo ciidamada Mareykanka ee dalka, kooxdu waxa ay balan qaaday balaarinta dagaalkeeda.

Hoggaamiye ku xigeenka Kooxda Cabdiraxmaan Maxamed Warsame oo waraysi naadir ah siiyay Channel 4 ee laga leeyahay UK ayaa sheegay in kooxda aysan diyaar u ahayn wada hadal ay la gasho federalka Soomaaliya, taas bedddelkeedna ay qorshaynayaan in ay la wareegayaan xukunka dalka.

Horjoogahaan oo Maraykanku uu dul dhigay shan million oo dollar, ayaa sheegay inaysan dowlad ka aaminsanayn maamulka hada Soomaaliya ka jirta.

“Anagga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin. Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaaheey noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno. Ciddii ilaaheey shareecaddiisa noo banaysay inaan la hadalno, waan la hadlaynaa,”ayuu yiri Mahad Karate.

Mahad Karate ayaa ku eedeysan inuu door muhiim ah ka qaatay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii. Marka laga soo tago taas, weeraro ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ah, ayaa la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay.

Abriil 10, 2015, wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa Karate u aqoonsatay inuu katirsan yahay Argagixisada caalamiga ah, waxaana la duldhigay 5 million oo dollar.

Maleeshiyada ayaa la aas-aasay mudadii u dhexaysay 2002, 2008dii waxay maamulayeen inta badan koonfurta Soomaaliya. Isla markiiba waxay ballan qaadeen inay la midoobayaan Al-Qaacida, waxayna bilaabeen inay weeraro ka fuliyaan gudaha iyo dibadda.

Bishii Sebtembar 2013 waxay ku dileen ku dhawaad 70 qof weerarkii xarunta ganacsiga ee Westgate ee caasimadda Kenya ee Nairobi. Ka dib mar kale Kenya bishii Abriil 2015 Al Shabaab ayaa 148 qof ku dilay Kuliyadda Jaamacadda Garissa.

Markii ay dib ugu soo laabteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay fuliyeen weerarkoodii ugu dhimashada badnaa bishii Oktoobar 2017, oo ay ku dileen in ka badan shan boqol oo qof qarax weyn oo baabuur xamuul ah laga soo buuxiyay.

Sannadihii xigay, weerarrada kooxdu waxay noqdeen kuwo joogto ah. Waxay inta badan dilaan tobanaan qof oo rayid ah bishii, iyagoo la dagaallamaya ciidamada Midowga Afrika ee halkaas ku sugan si ay isugu dayaan in ay ka ilaaliyaan weerarada maleeshiyada.

Hadda waxaa dhiiragalinaya Talibanka oo la wareegay Afgaanistaan ka dib bixitaanka Mareykanka, kooxda ayaa ku adkeysaneysa gacan ku haynta dhulkooda, iyaga oo ujeedkoodu yahay in dalka oo dhan ay qabsadaan oo ay ku dhaqmaan shareecada adag sida uu sheegay hogaamiye ku xigeenka kooxda.

Dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu wada hadal la furidoono Al Shabaab, kadib marka ay dowladdiisa hoos u dhigto awoodda ay kooxdu haatan leedahay.macada talaabada ugu horaysa ee ay qaadaysa dowladda cusub ee hada hoggaanka la wareegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM