Al-Shabaab oo Lacag u qeybisay qoysas degan Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay inay qoysas ku nool magaalada Muqdisho u qeybisay lacago ay ku sheegtay inay ahayd Zako, xilli caasimadda ay maamusho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cali Dheere, Afhayeenka Al Shabaab ayaa kasoo dhex-muuqday sawirro baraha Internet-ka Kooxda lasooo dhigay, iyadoo aan la sheegin goobta rasmiga ah ee ay ka dhacday qeybinta lacagta loo qeybiyay dadka shacabka ah.

Al Shabaab ayaa ku faantay in dadka ay u qeybisay lacagaha ay gaarayeen in ka badan 200 oo qof, kuwaasoo qofki ugu badan la siiyay $1,000, qeybta dhexe $500 iyo qeybta ugu hooseysay oo $200.

Isagoo dadka la hadlayay, Cali Dheere ayaa jeediyay hadallo u muuqday mid ay ku doonayso Al Shabaab inay ku qasabato qalbiga shacabka ku nool xaafadda dhanka waqooyi xiga, oo ay Kooxdan la rumeysan yahay inay wali ku awood badan tahay.

Tani ayaa dhabar jab ku nonaysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay ka gaabisay sugida amiga Muqdisho, islamarkana madaxda sare xafiisyadooda ku mashquulsan yihiin arrimo kale, oo kamid yahay khilaafka maamullada.

Al Shabaab ayaa horey loo sheegay inay lacago canshuuro xoog ah uga qaado ganacsatada gobolka Banaadir, in ka badan mida dowladda ka qaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM