Al-Shabaab oo Lacag u qeybisay qoysas degan Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay inay qoysas ku nool magaalada Muqdisho u qeybisay lacago ay ku sheegtay inay ahayd Zako, xilli caasimadda ay maamusho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cali Dheere, Afhayeenka Al Shabaab ayaa kasoo dhex-muuqday sawirro baraha Internet-ka Kooxda lasooo dhigay, iyadoo aan la sheegin goobta rasmiga ah ee ay ka dhacday qeybinta lacagta loo qeybiyay dadka shacabka ah.

Al Shabaab ayaa ku faantay in dadka ay u qeybisay lacagaha ay gaarayeen in ka badan 200 oo qof, kuwaasoo qofki ugu badan la siiyay $1,000, qeybta dhexe $500 iyo qeybta ugu hooseysay oo $200.

Isagoo dadka la hadlayay, Cali Dheere ayaa jeediyay hadallo u muuqday mid ay ku doonayso Al Shabaab inay ku qasabato qalbiga shacabka ku nool xaafadda dhanka waqooyi xiga, oo ay Kooxdan la rumeysan yahay inay wali ku awood badan tahay.

Tani ayaa dhabar jab ku nonaysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay ka gaabisay sugida amiga Muqdisho, islamarkana madaxda sare xafiisyadooda ku mashquulsan yihiin arrimo kale, oo kamid yahay khilaafka maamullada.

Al Shabaab ayaa horey loo sheegay inay lacago canshuuro xoog ah uga qaado ganacsatada gobolka Banaadir, in ka badan mida dowladda ka qaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM