Al-Shabaab oo "laga burburiyey" kaabayaal dhaqaale

Image
Maxkamado guur-guura ayaa kamid ah goobaha la beegsadey, sidda ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya ayaa dardargeliyey howlgallada ka dhanka ah maleyshiyadda Al-Shabaab Jimcihii todobaadkii lasoo dhaafay, toddobaad ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kala wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilka hayay muddo shan sano ah.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu ku guul dareystay soo celinta amniga dalka, taasoo ah qodob muhiim ah oo keenay ololeyaal dhowaan lasoo gaba gabeeyay. Maamulkiisa, waxaa dib u soo cusboonaatay argagixisada Al-Shabaab oo ka taliya dhul badan oo miyi ah oo dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay Jimcihii in ay dileen 7 ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa koonfurta dalka, iyagoo gacanta ku dhigay labo ka mid ah raggaasi. Waa howlgalkii ugu horeeyay oo ka dhan ah maleyshiyadda tan iyo markii uu Xasan Sheekh la wareegay hogaanka dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka War-ciise, oo ay ku sugan yihiin Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab. Intii uu socday howlgalkan ayaa waxaa Al-Shabaab looga qabsaday gaadiid dagaal.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee [SNTV] ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo furtay hub iyo lacag ay kooxaha argagixisada ka qaadan jireen dadka deegaanka. Maleeshiyada ayaa lacagtaasi u adeegsata si ay howlgalkooda u fuliyaan.

"Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Taliyaha, sida ay kasoo xigtey warbaahinta.

Odowaa ayaa intaa ku daray in la burburiyay saldhigyo dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi iyo sidoo kale maxkamado guurguura oo sharci darro ah oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen.

Todobaadyadii la soo dhaafay, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah askarta dowladda ee ku sugan saldhigyada kala duwan ee howlgallada.

Labo todobaad ka hor, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada ATMIS-ka, oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan saldhigga hore ee Ceel-Baraf, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 30 askari, sida ay sheegatay malayshiyadda balse waxaa warkaas beenisay Kampala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM