Al-Shabaab oo markii labaad toogasho ku fulisay Rag lagu eedeeyay Basaasnimo

Image

SAAKOW, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa markii labaad mudo todobaad gudihiisa dil toogasho ah ku fulisay shaqsiyaad ay ku eedeysay inay la shaqeynayeen hay'adaha Sirdoonka dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo Ingiriiska.

Fagaaro weyn oo ku yaalla degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa waxaa galabta lagu toogtay shan qof, oo lagu kala magacabi jiray;

1 - Cabdishakuur Xasan Xuseen,

2- Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar,

3 - Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed,

4 - Maxamed Yuunus Mad Keer

5- Caliyoow Jiinoow Nuur

Maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Saakow ayaa raggan xukunka dilka ah ku riday, kadib markii lagu soo eedeeyay inay u basaasi jireen Sirdoonka dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Dadweyne uu u badan, oo caruur iyo haween u badan ayaa lagu qasbay inay usoo daawasho tagaan toogashada shanta qof ee shacab ah, kuwaasoo aan loo qaban wax qareen ah oo u dooda, islamarkaana xukunkooda uu ahaa mid Al Shabaab ku riday.

Maalin kahor ayay ahayd markii sidan oo kale Al Shabaab ugu dishay degmada Jilib, oo isla gobolka Jubbada Dhexe katirsan kuwaasoo tira ahaan gaarayay 5, oo uu ku jiray nin Soomaali ah, balse heysta dhalashada dalka Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM