Al-Shabaab oo markii labaad toogasho ku fulisay Rag lagu eedeeyay Basaasnimo

Image

SAAKOW, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa markii labaad mudo todobaad gudihiisa dil toogasho ah ku fulisay shaqsiyaad ay ku eedeysay inay la shaqeynayeen hay'adaha Sirdoonka dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo Ingiriiska.

Fagaaro weyn oo ku yaalla degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa waxaa galabta lagu toogtay shan qof, oo lagu kala magacabi jiray;

1 - Cabdishakuur Xasan Xuseen,

2- Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar,

3 - Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed,

4 - Maxamed Yuunus Mad Keer

5- Caliyoow Jiinoow Nuur

Maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Saakow ayaa raggan xukunka dilka ah ku riday, kadib markii lagu soo eedeeyay inay u basaasi jireen Sirdoonka dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Dadweyne uu u badan, oo caruur iyo haween u badan ayaa lagu qasbay inay usoo daawasho tagaan toogashada shanta qof ee shacab ah, kuwaasoo aan loo qaban wax qareen ah oo u dooda, islamarkaana xukunkooda uu ahaa mid Al Shabaab ku riday.

Maalin kahor ayay ahayd markii sidan oo kale Al Shabaab ugu dishay degmada Jilib, oo isla gobolka Jubbada Dhexe katirsan kuwaasoo tira ahaan gaarayay 5, oo uu ku jiray nin Soomaali ah, balse heysta dhalashada dalka Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM