Al-Shabaab oo toogatay 75-jir "guursadey" gabar iyo hooyadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta afka Al-Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in ay Kooxda ay meel fagaaro ah oo ku taala degmada Tooratoorow ku toogatay oday 75-jir ah.

Abshir Maxamad Cabdi ayey kooxda gacan-saarka la leh shabakada Al-Qaacida ku eedeysay in uu guursadey Cadeey Manuur Khaliif iyo hooyadeed, oo lagu magacaabo Xaawa Cabdi Bile.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, Cabdi ayaa waxa uu dafiray in uu falkan sameeyay, isaga oo isku dayey in uu ka baxsado gobolka Shabeellaha Hoose, balse waa ay u suurtogeli wayday.

"Maxkamada Al-Shabaab ayaa ku heshay dambiga, oo ugu dambeyntii ku xukuntay dil toogasho oo lagu qaadey," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay xoogagu kasoo saareen gal-dacwadeedkan oo muddo taagnaa.

Hase ahaatee, war-fidiyeenka ma aysan soo bandhigin hadii ninka la toogtay uu helay Qareen difaaca. Geesta kale, sirdoonka Soomaaliya wali kama uusan hadlin dhacdadan.

Goobta xukunka lagu fuliyey Khamiistii shalay ahayd waxaa goobjoog ka ahaa dadweyne fara badan oo la isugu yeeray in ay daawadan qaabka ay wax u dhacaan, taasi oo ah talaabo looga bartey "kooxaha argagixisada ah"

Al-Shabaab ayaa dil toogasho, garbaash, gacan-goyn iyo kuwa kale ku fulisaa shaqsiyaad ay ku eedeyso jaajuusnimo, burcadnimo iyo dambiyo kale oo madani ah, inkasta oo su'aal la gelinayo hanaankeeda cadaaladda.

Hay'addo caalami ah oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aalaaba si adag u cambaareeya falalkaasi, iyaga oo ku tartarsiinaya dunida in laga hortago "halista sii baaheysa ay kooxdu ku tahay nolosha dadka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM