Al-Shabaab oo toogatay shan nin ay eedeysay jaajuusnimo

Image
Tan iyo bishii July, xoogaga hubeysan ayaa dil toogasho ku fulisay 18 ruux oo ay ku eedeysay basaasnimo.

KISMAAYO, Jubaland - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe waxay ku toogteen shan shaqsi, sidda ay warisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda.

Sidda ku xusan warbixinta, shaqsiyaadkan oo magacyadooda aan lasoo bandhigin ayaa lagu eedeeyay jaajuusnimo oo ah dacwad ay inta badan kooxda ku rido dadka ay dil toogasho ku fulineyso.

"Illaa 5 ruux ayaa fagaaraha Macallin Aadan Xaashi lagu dilay waxayna ku eedaysnaayeen in ay ubasaasayeen sirdoonnada dowlado shisheeye," ayaa lagu yiri warbixinta ay faafisay warbaahinta maleyshiyadda.

Warar madax-banaan ayaa xaqiijinaya in shaqsiyaadkan si gaar ah loogu soo oogay dacwad ku saabsan in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Mareykanka. Balse lama soo bandhigin wax caddeymo ah.

Sababta fagaaraha loogu fuliyey xukunka dilka toogashadda ah ayaa loo maleynayaa in ay la xiriirta cabsi-gelinta dadweynaha oo loogu yeero in ay u soo daawasho tagaan fulinta.

Lama ogga haddii ay qareeno si cadaalad ah u difaaca ay heleen eedeysaneyaasha. Inta badan maxkamadaha Al-Shabaab waxaa la sheegaa in ay ku kooban yihiin go'aan uu gaaro hal shaqsi.

Tan iyo bishii July, xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa dil toogasho waxay ku fulisay 18 ruux una badan rag kuwaasoo loo khaarijiyey eedeymo salka ku haya jaajuusnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM