​Al Shabaab oo weerar ka gaysatay degmada Garbahaarey

Image

GARBAHAAREY, Somalia- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar ka gaystay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyagoo beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Somalia ee AMISOM.

Weerarkaas oo loo adeegsaday Madaafiic, ayaa kooxda Al Shabaab ku warantay inay khasaaro ku gaysteen kadib markii ay dhowr Gantaal ku tuureen garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.

Dad goob joogyaal ah, ayaa sheegay in xalay saq dhexe maqleen madaafiic ka dhacay gudaha degmadaas iyagoo xusay inaysan ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay goobta la bartilmaameedsaday.

Saraakiil katirsan kuwa dowladda Somalia oo ku sugan gobolka Gedo, ayaa sheegay in weerarku dhacay balse aysan jirin khasaare ka dhashay.

Madaafiicda ayay xuseen inay ku dhaceen meelo bannaan, xaaladda degmada Garbahaareyna ay tahay mid wanaagsan.

Ururka Al Shabaab ayaa inta badan xilliga habeenkii weerar ka gaysta goobaha ay daganyihiin ciidamada AMISOM.

Dhawaan ayay ahayd  markii degmada Garbahaarey ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Somalia iyo kooxda Al Shabaab, kaasoo ay ka dhasheen khasaaro laxaad leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mogadishu oo halis ku jirta iyadoo Al-Shabaab ay dhul horleh la wareegayso

Warbixinta ay soo saartay The Soufan Center ayaa muujisay in Al-Shabaab…

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:10PM

Saddex qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Beled Xaawo

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Janan uu hadda ku sugan yahay xero ciidan oo ku taal magaalada Balad-Xaawo.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:35AM