Al -Shabaab oo weerar ku qaadey degmo muhiim u ah DF

Image

QORYOOLEY - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa dagaal ku dhexmaray degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof oo labada dhinac isagu jira

Dagaalka ayaa yimid markii dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab ay duulaan ku ekeeyeen Fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada, taasoo keentey iska hor-imaad xoogan.

Xoogaga Al-Shabaab oo war kasoo saarey dagaalka waxay carabka ku dhufteen inay saacado la wareegeen gacan ku haynta qayb kamid ah magaalada Qoryooley, inkasta oo ay isaga baxeen markii dambe.

Dhinaca kale, maamulka degmada iyo kan gobolka oo ka hadlay weerarkaan ayaa tibaaxey in dadka ku dhintey ay ahaayeen Shacab, kuwaasoo ay toogasho ku dishay Shabaab.

Gudoomiyaha dhinaca arrimaha Bulshadda iyo siyaasada ee Qoryooley, Sheegow oo ka sharaxay dadka ka dilay ayaa yiri: "Shabaab waxay weerartey dad shacab ah, oo waliba ganac-satada ah, ee ma jirto wax ciidamo ah oo ay ku dileen weerarka.

Ma jiraan illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka kala duwan ee kasoo baxay garabyadda kala duwan.

Gobolkan ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan ee dalka, waxaana ku xoogan Al-Shabaab, kuwaasoo ka fuliya falal isugu jira, dilal qorsheysan, weeraro jidgal ah iyo kuwa toos ah oo ay xarumaha ciidamada ku beegsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM