Al Shabaab oo weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fulisay Muqdisho

Image
Saldhiga degmada Kaxda ayaa kamid ah goobaha ay maleyshiyadda bartilmaameedsatay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa xalay qaraxyo xooggan oo dhowr ah iyo weeraro la socday ku qaaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasiamdda Soomaaliya.

Qaraxyada iyo weerarada ayaa ka dhacay dhanka degmada Kaxda iyo kale xaafadda Daaru-Salaam ee degmada Yaaqshiid, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo booliska Soomaaliya.

Waxaa markii hore dhacay qaraxa Kaxda, oo lala beegsaday saldhigga booliska degmada, kadibna waxaa xigay rasaas iyo weerar culus, oo lagu qaaday isla saldhigga, taasi oo socotay ku dhowaad saacad.

Ku dhowaad nus saac kadib ayaa waxaa dhacay qarax labaad oo culus oo ka dhacay xaafadda Daaru-Salaam, kaasi oo uu la socday weerar la sheegay in lagu qaaday guddoomiye ku-xigeenka degmada Heliwaa oo ku sugnaa xaafaddaas.

Qof kamid ah Dadka Deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in 4 ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen kaddib markii rasaasta dhinacyada dagaalamay ay isku ridayeen ay haleeshay sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu sheegay in isku dayga weerarkaas ay ka hortageen Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.

“Kooxaha argagixisada waxaa ay caawa abaare 1:00am weerar kusoo qaadeen daafaha magaalada Muqdisho, balse ciidamada amniga ayaa ka difaacay shacabka kooxa nabad diidka ah, faahfaahinta isku dayga cadowga waxaa shacabka lawadaagi doonoa dhawaan ciidanka Booliska Dalka” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Amniga XFS.

Qaraxyada iyo weerarada ayaa aad u cuslaa, waxaana laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Booliska Soomaaliya ayaa goor dambe sheegay in la iska baaciyey weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigga booliska degmada Kaxda iyo xaafadda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin weerarka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaal Calamada ilaa Ceelasha Biyaha, halkaasi oo rasaas xoogan laga maqlayo. Madaafiic ayaa sidoo kale ku dhacay xaafado ka tirsan inta u dhaxeysa degmooyinka Shibis iyo Shangaani.

Ciidamada ammaanka DFS ayaa xiray dhammaan baraha Kontoroollada Muqdisho inkasta oo isu socodku uu yaraa xiligaas maadaama saq dhexe ahayd, balse aroornimadii hore ee saakay ayay dib u fureen isgoysyada Caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM