Al-Shabaab oo weerartay magaalo ka bilaabatay doorasho

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa maanta oo ah afar qof oo rayid ah ku dishay magaalada qadiimiga ah ee Baraawe ee Koonfurta dalka, xilli ay magaaladda socotay doorashada 7 kursi oo ka mid ah Golaha shacabka.

Soomaaliya ayaa cadaadis lagu saarayaa in doorashada lagu soo gabagabeeyo 25-ka Febraayo ka hor inta aan la guda galin doorashada madaxweynaha oo la wada sugayo.

Durba, Mareykanka wuxuu bilaabay in uu ku soo rogo xayiraadaha fiisaha ah shakhsiyaadka la rumeysan yahay in ay yihiin qas-wadayaasha doorashooyinka oo mudo sanad ah waqtigeeda dib uga dhacday.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka, balse faah faahin dheeraad ah kama aysan bixin, mana cadda cidda cida ay sida tooska ah u beegsanayeen.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah in weerarka lagu soo beegay magaaladda lagu qabanayo doorashooyinka 13 kursi ee baarlamaanka lagana soo doorto maamulka Koonfur Galbeed.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Al-Shabaab ay lix hoobiye ah ku soo ridey magaalada, iyadoo ay ku dhaceen guryo la deggan yahay iyo meelo banaan ah.

Madaafiicda ayaa ku soo dhacay Xaafadaha Sakhawadiin iyo Dayax ee Magaalada Baraawe, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Isgaarsiinta ayaa markii hore hawada ka baxay, laakiin adeeggeedii caadiga ahaa ayay hadda ku soo noqday, goobjooge kale ayaa yiri.

Al-Shabaab ayaa inta badan isgaarsiinta hawada ka saarta marka ay weerarayso magaalooyinka dalka si ay uga baxsadaan Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee [SNA] iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Maanta oo kaliya waxaa la qabtay doorashada 7 kursi oo Baarlamaan ah halka tartanka lixda hartayna la qaban doono Khamiista berri ah, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Dhammaan gobolada ayaa waxaa ka socda doorashada golaha shacabka, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in horumar baaxad leh laga sameeyay doorashada toddobaadyadii la soo dhaafay.

Weerarkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya maalin kadib markii madaxda mucaaradka ay su’aal ka keeneen ujeedada Baraawe loogu dirayo taliya Ciidanka Lugta ee Qaranka Soomaaliyeed.

Taliye Jeneraal Tahliil Biixi oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Biixi ayaa lagu eedeeyay ku dhex milmay hannaanka doorashada iyo siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:21AM

Shir ay ka qeybgaleen saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu soo xiray Muqdisho

Shirkan ayaa dabo socda shir bishii Feberaayo lagu qabtay magaaalada Kismaayo.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:14AM