Al-Shabaab oo wajahaysa 'guuldarada' kacdoonka shacabka

Image
Taliyaha ciidammada dhulka ee milateriga Soomaaliya Janaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa u jawaabay horjooge Cali Dheere.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidammada dhulka ee milateriga Soomaaliya Janaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalka Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka shacabka.

Jeneraal Biixi ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho wuxuu ku sheegay in hadalka Cali Dheere uu dhageystay, balse uu ula muuqday ‘cataaw’ ay ka keentay guul darada ee dagaalka.

“Horta Cali Dheere iyo Al-Shabaab waxaan leeyahay kala daaya in caruur aad leysaan, kadibna aad dhahdaan ‘Alxamdu’ calaacalka Cali Dheere waan dhageystay waxaana iiga muuqatay inay ku guul da reysteen dagaalkooda waxuushnimada ah,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka ay ka wadaan gobolka Hiiraan ay haatan diiradda ku saarayaan sidii la isugu furi lahaa waddada u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburde oo ay muddo sanado ah kala gooyeen ururka Alshabaab.

Hadalka Milatariga ayaa ku soo beegmaya iyadoo deegaanno hoos taga degmooyinka Maxaas, Buulo-Burde, iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan lagala wareegay Al-shabaab. Deegaanna laga saaray Al-Shabab waxa kamid ah Teedaan, Hees, Sagalgeed, Geedasamo, Yaasooman, iyo Aboorey.

Waxa kaloo lagu guuleystay in la Isu furo waddooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhawaan booqasho ku tagay gobolka Hiiraan si ay u caddeeyaan garab istaagga dowladda ee qabaa'illada la dagaalamaya Shabaabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM