Al-Siisi oo Xasan Sheekh ugu yaboohay ciwaan dhanka cuntada ah

Image
Labada hogaamiye ayaa wadahadalo mirodhal ah ku yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria.

ALGIERS, Algeria - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfataax Al-Siisi.

Warbixiyay ayuu dhiggiisa dalka Masar ka siiyey howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada.

Sidoo kale, wuxuu kala hadlay saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada xoogga si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada.

"Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Soomaaliya ayuu balanqaadey in uu ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen wuxuuna intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Al-Shabaab oo weerartay saldhig laga ilaaliyo amniga Baydhabo

Waxaa weli socda dadaallo lagu xoojinayo ammaanka si looga hortago weerarro kale oo kooxdu qorshaynayso inay fuliso.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 11:41AM

Uganda oo 7 Askari looga dilay howlgal lagu qabtay deegaan ku dhaw Muqdisho

"Nasiib darro, waxaan ku weynay toddoba askari intii lagu guda jiray dagaalka," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 08:23AM