Al-Shabab oo gacanta looga dhigay deegaan hoos taga degmada Beled-Xaawo

Image

Balad-Xaawo [ GAROWE ONLINE]- Ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobalka Gado kana socda dalka Kenya ayaa deegaan ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabab la wareegay ka dib dagaal socday mudo halsaac wax ka yar oo labada dhinac dhexmaray.

Deegaanka ay ciidanku la wareegaan ayaa la yiraahdaa Gadoon-dhawe oo 45 km u jirta degmada Beledwaaxo ee xarunta Gobalka Gado iyadoona masuuliyiin ka tirsan Ciidanka Kenya ay sheegeen inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabab.

Taliyaha ciidanka Amniga Degmada Beled-xaawo Ismaaciil Koofi oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa warkan xaqiijiyay wuxuna sheegay inay kala wareegeen koox yar oo Alshabab ka tirsan.

Masuulkan ayaa sheegay inay tahay degmada xaaladeeda mid wanagsan ayna ku rajo wayn yihiin inay sii xoojiyaan dadaalka lagu damacsan yahay in lago soo afjaro kooxda Alshabab oo xiriir dhow la leh Alqaacida.

Dadka degan Gadoon-dhawe ayuu Taliye Koofi ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyana ciidankan AMISOM ee deegaanka ka qabsaday ururka Alshabab.

Kooxda Alshabab ayaa laga saaray magalada Muqdisho 2011 ka dib markii dagaalo ka dhan ah lagu qaado balse wali waxay ku xoogan yihiin gobalada dhexe iyo qaar ka mid ah Koonfurta.

GAROWE ONLONE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM