Duqeymaha Mareykanka Waxay Ku Qasbeen Hoggaanka Daacish Inay Dhulka Hoostiisa Galaan: AFRICOM
Washington – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in awoodda cirka ee Mareykanka ay ku qasabtay hoggaanka ISIS ee Soomaaliya inay galaan dhuumasho, kadib duqeymo joogto ah oo lagu taageerayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Taliyaha AFRICOM, Jeneraal Dagvin Anderson, oo ka hadlay shir jaraa’id oo dhijitaal ah, ayaa sheegay in duqeymaha ay si dhow ula socdaan hawlgallada ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay bixiyaan awoodo ay ciidamadu si madaxbannaan u heli karin, sida sirdoon, kormeer hawada ah iyo weerarro bartilmaameed sax ah.
Anderson ayaa tusaale u soo qaatay howlgallada ka socda Buuraha Golis ee Puntland, halkaas oo ciidamada Soomaaliya, iyagoo kaashanaya taageerada Mareykanka, ay ku qaadeen weerarro ka dhan ah maleeshiyaadka ISIS ee ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ah.
“Duqeymahan waxay u suurtageliyeen ciidamada inay sii wadaan cadaadiska, yareeyaan dhulka ay ISIS ka taliso, isla markaana ay sii hayaan cadaadiska Buuraha Golis,” ayuu yiri Anderson, isagoo xiganaya warbixinno ka yimid saaxiibada Soomaaliyeed.
AFRICOM ayaa intaa ku dartay in cadaadiska joogtada ah uu hoos u dhigay awoodda hoggaanka ISIS ee abaabulka iyo dhaq-dhaqaaqa furan, kuna qasbay inay galaan dhuumasho.
Mas’uuliyiinta AFRICOM ayaa carrabka ku adkeeyay in duqeymaha cirka ay yihiin hal qayb oo ka mid ah iskaashiga ballaaran ee amni ee Mareykanka iyo Soomaaliya. Sarkaal sare oo AFRICOM ah, Sarreeye Guuto Garric M. Banfield, ayaa xusay dadaallada lagu xoojinayo ammaanka badda ee xeebaha Soomaaliya, si loola dagaallamo tahriibinta hubka, burcad-badeedda iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah.
AFRICOM waxay Soomaaliya u aragtaa mid ka mid ah furimaha ugu muhiimsan ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee qaaradda Afrika, oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo faracyada ISIS. Taliska ayaa sheegay in taageerada Mareykanku ay buuxinayso doorka ciidamada Soomaaliya, balse aanay beddelayn.
“Ciidamada Soomaaliya ayaa fulinaya howlgallada dhulka, halka Mareykanku uu bixiyo sirdoon, tababar, taageero saadka ah iyo duqeymo bartilmaameed ah marka loo baahdo,” ayuu yiri Anderson.
AFRICOM ayaa ku soo gabagabeysay in guulaha amni ay fure u yihiin xasilloonida iyo horumarka mustaqbalka ee Soomaaliya, iyadoo iskaashiga lala leeyahay saaxiibada Afrika uu yahay tiir-dhexaadka istaraatiijiyadda Mareykanka.
GAROWE ONLINE