Ameerikaan loogu magacdaray qeyb kamid ah Balidoogle

Image

NEW YORK, USA – Askari ka tirsanaa ciidamadda Mareykanka ee ku dhintay weerar ay maleyshiyadda Al-Shabaab ka fulisay Kenya ayaa loogu magacdaray qeyb kamida ah garoonka Balidoogle ee Soomaaliya, sida Talaadadda maanta ah uu daabacay mareegga Alabama.com.

Sida ku xusan warbixinta bogga, Henry Mayfield Jr oo 26-sano jir ahaa markii la dilayey, ayaa loogu magacdaray qeybta lagu cunteeyo ee xerada Balidoogle oo ku taala gobolka Shabellaha Hoose isla markaana caasimada Soomaaliya ee Muqdisho u jiray 107 KM.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan talaabadan oo kasoo baxay dhanka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Isku-dayo uu warsidaha Garowe Online doonayey in uu ku su’aallo Waaxda Difaaca ma guuleysan.

Xerada Balidoogle ayaa kamid ah fariisimaha ay Soomaaliya ka degan yihiin askarta Mareykanka kuwaasoo dalka uga hayaamay horaantii sanadkan 2021 kadib amar uu bixiyey madaxweynihii hore Donald Trump.

Weerarka lagu dilay Henry ayaa 5-ta bishii Janaayo, 2020-kii wuxuu ka dhacay gobola Lamu, waana duulaankii ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku ekeeyeen xerada Manda Bay halkaasoo ay ku nafwaayeen saddex askari Ameerikaan ah.

Labada askari kale oo sidoo kale ahaan qandaraasleyaal ka tirsanaa Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa kasoo jeeday Chicago, waxayna ciidanka ku biireen 2018-kii.

Dhanka kale, isla askarigan waxaa loogu darayaa waddo ku taala Mareykanka gaar ahaan gobolka uu kasoo jeedo ee Alabama oo ku yaala Koonfur Bari ee waddanka USA.

Xarunta Duulista Hawada ciidanka Mareykanka iyo xarunta tirokoobka ismaamulka Dale ee gobola Alamaba ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxay go’aamiyaan talaabadan.

Munaasabadda looga dhawaaqayo talaabadan lagu maamusayo Henry Mayfield Jr ayaa la qorsheeyay 26-ka May, 2021-ka. Henry wuxuu ka tirsanaa guutadda 164aad ee kooxda howlgalada gaarka ah ee ciidamadda cirka Mareykanka.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Xarunta daryeelka iyo nashaadaadka oo ku taala xerada Manda Bay horey loogu magacdaray Mayfield si loogu maamuuso waxqabadkiisa oo lagu sheegay in uu ahaa "askari firfircoon oo daacad u ah dastuurka iyo waddanka Mareykanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM