AMISOM oo sahaminaysa habab cusub oo ay ugu hortagto qaraxyada

Image
Tababarkan oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay 20 injineero ciidan ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Injineerada Militariga ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa soo gabagabeeyay tababar socday muddo afar maalmood ah, si ay uga hortagaan khatarta isa soo tareysa ee ka dhalan karta Walxaha Qarxa, kuwaasi oo noqday hubka ay u adeegsadaan argagixisada.

Tababarkan oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay 20- Injineero ciidan ah oo ka kala socday saldhigyada kala duwan ee ciidamada AMISOM iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada oo kaalin ka qaatay ka hortagga khatarta qaraxyada.

"Kaliya waa in aan kordhino wacyigeena, ka qayb qaadashada iyo fahamka khatarta IED, waxaan awood u yeelan karnaa in aan yareyno xeeladaha, farsamooyinka iyo hababka cadowga si aan u ilaalino askarteena ugu dambeyntiina cadowga," ayuu yiri madaxa guud ee Ingineerada ciidamada AMISOM, Korneyl Saheed Sadiiq.

Injineer Sadiiq ayaa sheegay in dabeecadda isbeddelaya ee xeeladaha cadawgu ay u baahan tahay in si joogto ah dib-u-qiimayn loogu sameeyo xirfadaha shaqaalaha ee ka hortagga IED-yada iyo cusboonaysiinta si ay ula jaanqaadaan isbeddellada shabakada si aysan awood ugu yeelan in ay si hufan u shaqeeyaan oo ay dhibaateen ciidanka AMISOM.

Tababarka oo ay soo qabanqaabiyeen Unugga Tababarka AMISOM iyo Kooxda Taageerada Hawlgalka ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMST), ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa awoodda ka qaybgalayaasha si ay u aqoonsadaan ugana takhalusaan qaraxyada iyo in la yareeyo khatarta waqtigeeda.

Taliyaha Hogaanka Sare ee UKMST, Gaashaanle Dhexe Torcail StroudCaules, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay fahamka ka qaybgalayaasha ee wareegga IED oo dhan, maadaama ay awood u siinayso inay aqoonsadaan siyaabaha looga hortagi karo khatarta heer kasta oo ay tahay.

"Xeeladaha, farsamooyinka iyo hababka dadka samaynaya IED-yada waxay la qabsan doonaa aagga ay ku nool yihiin oo ay ka shaqeeyaan, shaqadaadu waa inaad ka hortagto taas. Waa muhiim inaad fahanto sida qarax-yadu u shaqeeyaan, sida ay u dhisan yihiin, ilaha ka kooban maaddooyinka IED-da, iyo sida loola tacaalo taas,” ayuu yiri Lt. Col. Stroud-Caules.

Isaga oo sii hadlayay waxa uu yiri: "Sidoo kale waa inaad fahamtaa sida loola macaamilo qaraxyada dhulka la galiyo. Hawshiinu waa inaad ka dhigto mid badbaado leh oo dadka bannaanka u baxaya si ay u fahmaan waxa ay la tacaalayaan, sidii loo yarayn lahaa khatarahaas, iyo in la hubiyo in aanay ahayn.”

Gaashaanle Dhexe Stroud-Caules ayaa ugu baaqay ka qaybgalayaasha inay si joogto ah u hubiyaan in xubin kasta oo ka tirsan shabakadda ka hortaga qaraxyada inta uu gudaha ku jiro uu ka warqabo doorkooda gaarka ah si loo yareeyo khasaaraha ka dhashay weerarrada qaraxyada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM