Ammaanka iyo bilicda magaalada Gaalkacyo oo shir laga yeeshay

Image
Shirkan waxaa guddoomiyey Duqa Degmada Gaalkacyo Mr Maxamed Cabdirisaaq Daacad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Degmada Gaalkacyo Mr Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa shir guddoomiyey shirka amniga Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen gudoomiyeyaasha xaafadaha kale duwan ee magaalada iyo saraakiisha amniga ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin dardar gelinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Degmada.

Sidoo kale, kulankan waxaa qeyb ka ahaa billicsoocelinta magaalada oo wajigiisii labaad lagu balansantahay inuu bilowdo Sabtida soo socota. 

Shirka uu qayb ka ahaa Xogahaya Degmada Gaalkacyo Mr Ukun Cabdicasiis Maxamed ayaa saraakiisha saldhigyada looga dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda amniga Degmada kiisaskii saacadihii ugu dambeyey laga diwaangaliyey guud ahaan magaalada iyo hawlaha hortabinta leh ee socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM