Amnesty oo dhaliishay go'aanka dowladda ee xayiraada saxaafada

Image
Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in go'aankan uu daaha ka qaadey "waji daahsoonaa".

NAIROBI, Kenya - War qoraal ah oo ay soo saartay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa lagu sheegay in xarigga Cabdalle Muumin ay ka turjumayo wejiga daahsoon ee dowladda Soomaaliya.

Cabdalla ayaa guddoomiyaha mid ka mid ah ururada u dooda xuquuqda suxufiyiinta. Waxaa la xiray markii uu walaac ka muujiyey go’aankii dhowaan  lagu mamnuucay warbaahinta Al-Shabaab.

Amnesty ayaa sheegtay in inkasta oo dowladda qabi karto welwel dhanka amniga ah oo dhab ah haddane go’aanka ay soo saartay waa mid guda balaaran oo yeelan kara fasiraado kala duwan oo ka taloowsan ciddii loogu talogalay.

Sida ku xusan qoraalka Amnesty, go'aanka wuxuu fursad siin kara saraakiisha amniga dowladda in ay ku xad gudbaan saxafiyiinta sida sharciga qabo u shaqaynaya.

Arrin kale oo ay hay’adda ka dhawaajisay ayaa ah in go’aanka dowladda uu aad u xakamaynayo awoodda warbaahinta ee helista xogaha dhabta ah ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Amnesty ayaa sidoo kale sheegtay in xariga Cabdalle Muumin iyo go’aanka dowladaba uu farriin argagax leh u dirayo saxafiyiinta kale iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee muujiya aragtiyo ka dhan ah tan dowladda.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa sheegtay in ay Cabdalla Muumin loo haysto "dacwad dhanka amniga ah". Qareenadiisu waxay xuseen in lagu soo eedeeyay faafinta muuqaal sir ah iyo jabinta xeer wasaarada kasoo baxay.

Axadda berri ah ayaa qorshuhu yahay in Cabdalla uu mar kale kasoo muuqdo Maxkamadda Gobolka Banaadir. Xeer-ilaalinta ayaa lagu waddaa in ay soo bandhigto caddeymaha eedeymaha ay u jeesiday saxafiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM