Amniga doorashadda Soomaaliya oo laga shiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha iyo saraakiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.

Kulanka ayaa imaanaya xili booliska Maanta ku dhawaaqay in Muqdisho lagu soo rogay Bandow 33 saacadood soconaya, oo ka billaabanaya Caawa 9PM, islamarkaana ku eg subaxa Isniinta, 6AM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM