Amniga Muqdisho oo looga doodayo kulanka Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya fadhigii koowaad ee Kalfadhiga afaraad, kaasoo ka qabsoomi doonta xarunta Sharci dejiyaasha ee magaalada Muqdisho.

Qodobo xasaasi ah ayaa looga doodi doonaa fadhigaan, sida laga soo xigtay xoghaynta Gollaha, kaasoo saxaafadda usoo bandhigay nuqul kamid ah Ajandayaasha looga hadlayo kulankaan.

Amaanka ayaa ah macduuca koowaad oo ay xubnaha sharci dejinta ka doodi doonan, waxaana mudane uu ku leeyahay Fadhiga dhowr daqiiqadood, kaasoo uu kusoo bandhigayo ray'yigiisa ku saabsan nabad-gelyadda caasimada oo liidata.

Amniga magaalada ayaa mudooyinkii dambe sii xumaanayay, waxaana kulanka maanta ee gollaha shacabka kusoo beegmayaa xilli habeenkii sabtida qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dhaawacay Xildhibaan Maxamed Mursal Barrow.

Ajandaha kale ee kulanka maanta lagu gorfaynayo waxaa kamid noqon doona dhibaatooyin ay Xilldhibaanadda qaarkood sheegeen inay ka haysto gelitaanka Villa Soomaaliya, halkaasoo ilaaladda Sharci dejiyaasha ku waydiiyaan Aqoonsiyo dheeri ah.

Amaanka aqalka looga arrimiyo dalka ayaa si wayn loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii Labo jeer oo xiriir ah qarax lagu weeraray Kontaroolka koowaad ee Madaxtooyadda bilooyin kahor, taasoo dhalisay khasaaoorin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM