Amniga xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga shiray

Image
Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa khatar ku ah nabad-gelyadda labadan dal ee deriska ah.

KISMAAYO, Jubaland – Taliska milatariga Itoobiya ayaa sheegay in uu dowlad goboleedka Jubaland kala hadlay xaalada amni ee xuduudka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya si looga baaqsado weeraro ay gaystaan maleeshiyada ururka Al Shabaab.

Sida uu sheegay taliska Milatariga Itoobiya, kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, Taliyeyaasha Qeybta 3-aad iyo 6-aad ee ciidanka Itoobiy iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland.

ENDF oo soo xiganeysa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan taariikh, dhaqan iyo af.

“Al-Shabaab waxay habeen iyo maalin u taagan tahay sidii ay u wiiqi lahayd midnimada iyo walaalnimadaas. Sidaa darteed waa in aan iska kaashanaa in aan gacanta ku dhigno ilaa Doolo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Madoobe.

Sida uu sheegay Taliyaha Qeybta 3-aad ee ENDF Sarreeye Guuto Zewdu Setarge, waxaa Soomaaliya ka socda colaado ay ka mid yihiin Argagixiso, isku dhacyo beelleed, iyo khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

"Waxaan diyaar u nahay inaan ka wada shaqeyno xaqiijinta nabadda iyo ammaanka dalka," ENDF ayaa ka soo xigatay isaga, isagoo intaas ku daray in howlaha wadajirka ah ay diiradda saarayaan "gaar ahaan iyadoo la dhex-dhexaadinayo kuwa ka shaqeynaya xasilloonida gobolka Gedo."

Taliyaha qeybta 6-aad ee ENDF Sarreeye Guuto Ababaw Seid ayaa dhankiisa sheegay in si looga hortago dhagarta Al-Shabaab ay lagama maarmaan tahay in si dhow loola shaqeeyo dowladda, ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, ENDF oo soo xiganeysa Korneyl Assefa Mekonnen oo ah taliyaha guud ee guutada 5-aad ee ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay isku dayayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanada Jubbaland iyo Soomaali Galbeed.

Marka la fahmo dhagarradeeda waxaa muhiim ah in la gaaro faham guud oo ku saabsan khatarta iyo in la jebiyo laf dhabarta kooxda argagixisada, ayaa lagu yiri bayaanka ENDF. War-murtiyeedka laguma sheegin halka uu shirku ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM