AMTIS oo 300 boolis ah u tababaraysa Jubbaland

Image
Dhoolatuskan ayaa waxaa sameeyay guddiga turxaan bixinta iyo qorista ee booliska Jubaland.

MUQDISHO, Soomalaiya – Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS, ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland ku soo gaba gabeeyay dhoolatuska turxaan bixinta iyo qorista ciidamada Booliska Jubbaland oo socday muddo saddex maalmood ah.

Dhoolatuskan ayaa waxaa sameeyay guddiga turxaan bixinta iyo qorista ee booliska Jubaland, oo ay taageerayaan qeybta booliska ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Gabagabada leyliga ayaa wadada u xaaraya in la bilaabo tababarida 300 oo askari oo loo diyaarinayo in ay ka mid noqdaan booliiska Jubaland, si kor loogu qaado amaanka gobolka.

“Tallaabada qorista waxaa loogu talagalay in lagu kordhiyo tirada booliiska Jubbaland si ay ula dagaallamaan dambiyada ayna u sugaan amniga gobolka,” ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska ATMIS.

La-taliyaha Adeegyada Tignoolajiyada Isgaarsiinta (CITS), ee taliyaha Guud ee Booliska AMTIS, Ibraahim Sini ayaa xustay in dhoolatuskan shaqaalaysiinta uu yahay mid lagu dhisayo tayada booliska gobolka, kahor inta aan la qorsheynin in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed (SSF) dhammaadka bisha December 2024-ka.

"Tani waxay sidoo kale la socotaa Fikradda Hawlgallada (CONOPs) iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya," ayuu raaciyay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland Gaashaanle Sare Jaamac Axmed Xasan oo khudbad ka jeediyay furitaanka Layliga, ayaa xusay in askarta tababarka loo soo xiray loo maray nidaam adag oo hufan.

“Ciidanka la qorayo waa qabiilo kala duwan, waxaana lagu soo xulay aqoontooda, Waxaan ka filaynaa inay dib ugu laabtaan degmooyinkii ay ka yimaadeen si ay ammaanka u xoojiyaan,” ayuu yiri Col. Xasan.

Turxaan bixinta iyo shaqaaleysiinta ayaa waxaa ka horeeyay tababar ay sameeyeen ciidamada booliska ee ATMIS, guddiga turxaan bixinta iyo qorista ee booliska Jubaland, oo ka kooban odayaal dhaqameed, wakiilo ka socday bulshada rayidka ah, ururada haweenka, iyo booliska Jubaland.

Bilayska ATMIS waxa u xilsaaran yahay in uu tababaro, la taliyo, ciidanka booliska Soomaaliyeed si ay gacan uga geysataan dhisidda awooddeeda si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka una bartaan sharciyada caalamiga ah ee Booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM