Andre: Waa danta dadka Mareykanka in Soomaaliya ay guuleysato

Image
Waraysigan oo dheer ayaa safiirku wuxuu sidoo kale kaga hadlay arrimaha doorashada, iyo mowqifka Mareykanka ee midnimada Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa cambaareeyey weerarradii toddobaadkii hore Al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, kuwaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.

Safiirka oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ujeeddada weerradan ay ahaayeen inay Soomaaliya kahor istaagaan dib u soo kabashada.
Waxa uu yiri: “Waxaan cambaareyneynaa ficilada kuwa doonaya in ay wax gumaadaan, iyagoo hor istaagaya dib usoo kabashada Soomaaliya, waxeyna sii salfanayaan nolasha dadka kale".

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay taageerayaan kuwa doonaya in la dhiso Soomaaliya oo amni ah, barwaaqo ah, nabadna ah. Safiirka ayaa yiri: "Waa danta dadka Mareykanka in aan aragno Soomaaliya oo guulaysata, dhab ahaanna waxaan dooneynaa in aan aragno gobolka oo guulaysta iyo geeska Afrika oo guulaysta, taasina lama hanan karo iyadoo aan si fiican dib loogu soo nooleyn barwaaqadii, dimoquraadiyadii iyo nabaddi Soomaaliya".

Mar wax laga weydiiyay weerarkii Al-Shabaab ay ka gaysteen gudaha garoonka diyaaradaha ee Aaden Adde ayaa waxuu yiri: "Waxa aan ogahay in dad lagu dilay meel u dhow Marina Gate, goor danbana waxaa lasoo tuuray Hoobiyeyaal kuwaas oo ku soo dhawaaday safaaraddeena iyo dhismaha Qaramada Midoobey, waxeyna ku dhaceen qeybta Qaramada Midoobey qaarna waxa ay ku dhaceen badda".

Safiirka aya sheegay in ay la tahay in meelahaas uu bartilmaameedkooda ahaa balse markii hore ay dilayeen qofkii ay soo gaaraan, iyagoo aan dadka kala soocin taasna uu ku qeexay in ay tahay dabeecadooda.

Waraysigan oo dheer ayaa safiirku wuxuu sidoo kale kaga hadlay arrimaha doorashada, iyo mowqifka Mareykanka ee midnimada Soomaaliya. Mar uu ka jawaabaye su’aal ku saabsaneed arimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa Mr Larry Andre waxuu yiri: "Waxaan ognahay in gudiga doorashada heer federaal ay ku dhawaaqeen in 14-ka bisha Apriil la dhaarinayo xildhibaanada la doortay ee labada aqal, taasina kama dhigna in dhammaan kuraasta la dhamaystiri doono xiligaas, inkasta oo aan rajeyneyno in ay suurtagasho".

"Xiligaas waa bilawga dhaarinta kuwa la doortay si ay u sii wadaan geedi socodka doorashada, inta dhimanna lasoo dhameystiro dhaarinta ka dib sidii dhacday doorashadii 2016-kii," ayuu intaas sii raaciyay.

Safiirka ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal ahayd in uu qeexo Soomaalia oo mid ah, asagoo sheegay in siyaasadda Soomaalia oo mid ah ay ka weyntahay asaga maadaama uu dhashay ka dib markey dowladda Mareykanka aqoontay Soomaaliyada madaxa banaan oo dal kaliyaha asagoona sidoo kale carabka ku dhuftay in ay ixtiraamayaan waxa ay masuulinta iyo shacabka Somaliland hanteen oo ay ka mid yihiin horumarka dhaqaalaha, maamulka dimuquraadiga ah iyo amniga.

Waxa uuna ku baaqay in masuuliyiinta Muqdisho iyo Hargeysa ay heli doonaan qaab lagu xalinayo maqaamka Somaliland si u adeegeyso dhammaan danta shacabka, taasna ay tahay arin go’aankeedu u yaalo dadka Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM