Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo dooranaya guddoon

Image
Coddeynta waxay ka dhacaysaa xeradda Afasiyooni sababo ku aadan walaac dhanka ammaanka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah dooranaya Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen oo xubnaha u tartamaya ay dhageysteen hadal jeedintooda 23kii April 2022.

Musharixiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay sameeyay dedaallo ay kula xaajoonayaan Senatarada Codeynaya si musharax weliba uu ugu guuleysto xilka uu u tartamo ee uu dedaalka xooggan geliyay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare BFS Senataro Aadan Cabdinaasir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan diyaar ay u yihiin qabashada doorashadaan si aqalkaan uu yeesho Guddoon rasmi ah.

Xarunta lagu dooranayo Guddoonka Golaha Aqalka oo ay tageen xubno katirsan Guddiga Aqalkaas u qaabilsan qabsoomidda Doorashadaan ayaa la kulmay saraakiisha amniga mas’uulka ka ah iyo xubnaha Farsamada ee doorashada kala shaqeynaya.

Murashaxiinta Xilka Guddoomiyaha:

1.Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi

2.Senator Saalax Axmed Jaamac

3.Senator Cismaan Obokor Dubbe

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

1.Senator Cabdixakiin Macalin Axmed

2.Senator Cali Shacbaan Ibraahin.

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

1.Senator Ilyaas Badel Gaboose,

2.Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag)

3.Senator Cabdullaahi cali Xersi

4.Senator Sareedo Maxamed xasan

5.Senator Xasan Xuseen xaaji

6.Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)

7.Senator Cabdi Cismaan Xareed.

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa ka dhigeysa in billooyin kaddib uu aqalkaas yeelanayo Guddoon rasmi ah si uu u billaabo kulamada iyo howlaha horyaalla oo qaarkood qabyo u ahaa Baarlamaankii 10aad ee JFS.

Hadii ay maanta si nabad galyo ah ku qabsoonto doorashada gudoonka Aqalka waxa ay ka dhigan tahay in dalka uu galay xaalad doorashado dowlad sharciyad haysatana ay dalka ka dhalato maadaama hay’adaha dowlada waqtigoodu dhamaaday 8 February 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM