Aqalka Sare ee Soomaaliya oo yeeshay guddoon cusub

Image
Senator Cabdi Haashi Cabdilaahi ayaa difaacdey kursigiisa, halka ku xigeenadiisa ay noqdeen xubno cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Cabdi Haashi Cabdilaahi ayaa loo doortay gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya. Xaashi wuxuu ku adkaadey 28 Cod, Saalax Jaamac oo la tartamay ayaa helay 24 Cod, halka Cismaan Dubbe uu helay 2 Cod.

Cali Shacbaan Ibraahim oo deegan doorshadiisu tahay Hirshabeele ayaa lo doortay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya. Cali Shacbaan ayaa helay 28 cod, Cabdixakiim Macalin ayaa helay 25 cod.

Senator Xasan Xuseen Xaaji iyo Senator Ilyaas Badel Gaboose ayaa ka tanaasulay tartanka wareega 2-aad ee Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Sen. Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland ayaa ku guulaystay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee Aqalka sare ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha Puntland ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa dhankiisa wuxuu u Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Maanta loo doortay aqalka Sare ee Soomaaliya.

Musharaxiin madaxwayne ayaa qudhooda waxay u hambaleeyeen guddoonka cusub ayaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in waddanka ay ka qabsoonto doorasho la isla ogol-yahay gaar ahaan tan Golaha Shacabka iyo madaxweynaha 10aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM