​Aqalka Sare oo ansixiyay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta oo Isniin ah si aqlabiyad leh u ansixiyay Sharciga Isgaarsiinta dalka, kaasi oo kasoo gudbay Aqalka hoose 9-kii bishan August.

Kulanka maanta oo uu shir gudoomiyay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shaaciyay in 39 kamid ah 40 Senator oo soo xaadirey fadhiga ay meel-mariyeen Sharciga Isgaarsiinta.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojoyadda dalka, Eng Cabdi Canshuur Xasan, oo ka qeybgalay Kulanka, ayaa uga mahadceliyay Mudaniyaasha Aqalka Sare, meel-marinta Xeerkanka cusub.

"Somalia waa dalka kaliye ee aan laheyn Sharci Isgaarsiin, waa Illaah madahiisa, mar haddii maanta ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamanka, waana uga mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb-qaadatey inuu halkan soo gaaro," ayuu yiri Wasiirka.

Sharcigan oo mudo dheer qabyo ahaa, ayaa noqon doono dhaqan-gal marka uu saxiixo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, maadaama uu kasoo gudbiyay Labada Golle ee Barlamanka Federaalka.

Waa Sharcigii ugu horeeyay oo la horgeeyo Aqalka Sare, islamarkaana ay ansixiyaan.

Sharciga Isgaarsiinta Qaranka waxa uu horyaallay mudo 11 sano Barlamanadii 7aad, 8aad, iyo 9aad, waxaana uu noqday midkii ugu mudada dheeraa oo loo sameeyo Somalia, iyadoo uu soo maray heerar kala duwan.

"Sharcigan wuxu kobcinayaa dhaqaalaha dowladda, waxaana uu siinayaa shacabka furso ay uga baxaan dhibaatooyin badan, oo mid bulsho, mid amni iyo mid dhaqaalo isagu jiray," ayuu yiri Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Sharciga Isgaarsiinta Qaranka waxaa durbaba ka hor-yimid Somaliland, oo ku sheegtay mid kuu xadgudbaya Isgaarsiinteeda, maadaama dowladda dhexe la waraagayso Furaha dalka ee (+252).

Dhanka kale, Xubno katirsan Aqalka sare ayaa gudoonka u gudbiyay mooshin u yeerid ah, oo loogu yaarayo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo su'aallo ka waydiin doono Khilaafka Siyaasadeed, ee ka taagan HirShabelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM