Aqalka Sare oo ansixiyey xeerka muranka dhaliyey ee doorashooyinka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyey sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay ka hor-yimaadeen qaar kamid ah maamulada dalka.

Kahor inta aysan cod u qaadin, mudaneyaasha Sanete-ka ayaa akhrinta saddexaad marsiiyey xeerkaan oo dowlad goboleedyadu ku sheegeen mid ay ku jiraan "qodobo khatar ku ah".

Sidda ku xusan qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xogheynta golaha, 27 mudane ayaa ogolaatay in meelmariyo sharciga. Waxaa diiday 6, cidna kama amuusin.

Bishii December, sanadkii hore 2019, Golaha Shacabka ayaa fadhi ay kooramka buuxiyeen Wasiiradda Xildhibaanadda ku ansixiyey hindise sharciyeedkan muranka dhaliyey ku mariyey.

Sharciga ayaa loo gudbin doonaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo qalinka ku duugi doono kahor inta aan lagu soo saarin faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda federaalka.

Xeerkaan ayaa xeerinaya in doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020-21 ay noqdaan qof iyo cod si gaar ah nidaamka "Horeeyaa Guuleysta," iyaddo aysan meesha ka marneyn habka 4.5.

Nidaamka "Horeeyaa Guuleysta," oo gudbiyey guddi baarlamaani ah oo loo saarey sharciga, ayaa ka duwan soo jeedintii ka timid xukuumadda federaalka oo dooneysa "Matalaadda-isla-eg".

Talaabada Aqalka Sare ayaa imaaneysa xili Farmaajo uu maanta saxiixay Xeerka Batroolka oo aan wali lagu heshiin. Si lamid ah, wuxuu yimid iyadoo Puntland qabaneyso shirwayne wadatashi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM