Aqalka Sare oo ansixiyey xeerka muranka dhaliyey ee doorashooyinka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyey sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay ka hor-yimaadeen qaar kamid ah maamulada dalka.

Kahor inta aysan cod u qaadin, mudaneyaasha Sanete-ka ayaa akhrinta saddexaad marsiiyey xeerkaan oo dowlad goboleedyadu ku sheegeen mid ay ku jiraan "qodobo khatar ku ah".

Sidda ku xusan qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xogheynta golaha, 27 mudane ayaa ogolaatay in meelmariyo sharciga. Waxaa diiday 6, cidna kama amuusin.

Bishii December, sanadkii hore 2019, Golaha Shacabka ayaa fadhi ay kooramka buuxiyeen Wasiiradda Xildhibaanadda ku ansixiyey hindise sharciyeedkan muranka dhaliyey ku mariyey.

Sharciga ayaa loo gudbin doonaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo qalinka ku duugi doono kahor inta aan lagu soo saarin faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda federaalka.

Xeerkaan ayaa xeerinaya in doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020-21 ay noqdaan qof iyo cod si gaar ah nidaamka "Horeeyaa Guuleysta," iyaddo aysan meesha ka marneyn habka 4.5.

Nidaamka "Horeeyaa Guuleysta," oo gudbiyey guddi baarlamaani ah oo loo saarey sharciga, ayaa ka duwan soo jeedintii ka timid xukuumadda federaalka oo dooneysa "Matalaadda-isla-eg".

Talaabada Aqalka Sare ayaa imaaneysa xili Farmaajo uu maanta saxiixay Xeerka Batroolka oo aan wali lagu heshiin. Si lamid ah, wuxuu yimid iyadoo Puntland qabaneyso shirwayne wadatashi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM