Deni oo eedeeyay dowlada Farmaajo kuna dhawaaqay shir wadatashi

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu ku dhawaaqay shirwayne ka dhici doona magaaladda Garowe.

Saciid Cabdullaahi Deni oo wariyeyaasha la hadlay isagoo ay hareeraha ka joogaan inta badan Golaha Wasiirada ayuu xusay in shirku dhacayo 15-3-2020.

Kulankaas oo ay ka qeyb-gelayaan xubnaha labada aqal ee federaalka ku metela Puntland iyo siyaasiyiinta ayaa looga tashanayaa "xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Soomaaliya iyo Puntland".

Mudaneyaasha Puntland ku metela federaalka ayuu ku booriyey in ay soo gaaraan magaalo madaxda Garowe kahor maalinta shirka.

Dhanka kale, Deni oo weerar afka ah ku qaadey madaxda dowladda Farmaajo ayaa ku eedeeyay "in ay howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahaayeen maamuladda".

"Wax badan ayaa madaxda Dawladda Faderaalka la hadalnay si howsha taagan loo dhammaayo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka ahaano," ayuu xusay.

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay maroor-satay taladda dalka isla markaana isku koobtay go'aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah.

Gollayaasha fulinta iyo sharci dejinta dowladda Federaalka, ayaa ansixiyey shuruuc muhiim ah, iyaddoo aan laga talagelin maamulada; sidda doorashooyinka iyo batroolka oo kamid ah xeerarka ugu xasaasisan.

Go'aankan ayaa kusoo aadaya iyadoo Khamiistii shalay, 6-da Janaayo, 2020, Puntland ay gebi ahaanba albaabada u laabtay, illaa iyo amar dambe, xafiiska guddiga doorashooyinka qaranka ee Garowe.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM