Aqalka sare oo bedalay xiliga uu furmayo Kal-fadhigiisa 4aad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay maanta oo Isniin ah ku yeesheen magaalada Muqdisho, xubnaha Guddiga joogtadda ah ee Mudanayaasha Aqalka Sarre, waxay isbedal ku sameeyeen goorta uu furmayo Kal-fadhigooda afaraad.

Sharci-dejiyaasha ayaa kol hore isugu afgartay in Fadhigooda uu furmo 10-ka bishaan October xili ay mar sii horeysay isaga diideen inay si wadajir ah ula furmaan xubnaha Gollaha Shacabka oo bishii hore furmay.

War-saxaafadeed laga soo saarey kulankii maanta oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey xafiiska Warsidaha Garowe Online ee Muqdisho ayaa lagu cadeeyay inuu si rasmi ah furmayo Kal-fadhiga 15-ka bishaan.

Senator C/kaafi Macallim Xasan, Habdhowraha Golaha Aqalka Sarre oo shirka kadib u waramay saxaafadda ma uusan soo hadal-qaadin waxa keenay isbedal ku yimaado waqtigii ay hore umudeeyeen.

"Kadib kulan ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ah ee uu shir-gudoominayey Gudoomiye Cabdi Xaashi waxaa lagu raacay in Kal-fadhiga uu furmo 15-ka bishaan," ayuu yiri Habdhowre Xasan.

Guddi qaban-qaabiya munaasabadda furitaanka ayuu xusay in la sameeyay, kuwaasi oo ka shaqayn doona sidii ay udhici lahayd xafladda, taasi oo ay kasoo qaybgeli doono masuuliyiin sarre oo dowladda ka tirsan.

Gollaha Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ka kooban 54 mudane ayaa dowladda Federaalkan ku metala maamuladda, xili xubnaha ku jira ay ubadan yihiin siyaasiyiin muddo ku dhex-jirtay siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM