Aqalka Sare oo codkiisa ku biiriyay baaqa nabadeed ee dagaalka Sool

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay dhinacyadda ay udhaxeyso colaadda dib uga qaraxday tuuladda Dhumay ee gobolka Sool inay joojiyaan dagaalka.

Dagaalka oo dib uga soo cusboonaaday degaankaasi oo 30-KM u jira Laascaanood Isniintii todobaadkan ayaa sababay dhimashada in ka badan 50 ruux, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Gudoomiye Cabdullaahi oo ka hadlay kulan uu maanta yeeshay Gollaha wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in dhiig Soomaaliyeed uu udaanayo waxyaabo aanan mac-wayno lahayn.

Wax-garadka iyo Siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay Cabdi Xaashi inay qaataan door hogaamineed, isagoo ku tartarsiiye inay ka shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisada, inkasta oo xaaladu degan tahay haatan.

"Ugu horeyn, baaq nabadeed ayaan u dirayaan Beelaha walaala ah. Tan xigta, waxaan leenahay joojiya dagaalka. Nabada halaga shaqeeyo. Waxaan u soo jeedinayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka iney u istaagaan sidii dagaaladaasi lagu joojin lahaa," ayuu yiri.

Baaq gudoomiyaha Aqalka Sarre mid lamid ah waxaa Arbacada maanta ah diray Gollaha Shacabka, kaasi oo ku booriyay dhinacyadda is haya inay wadahadal ku xaliyaan colaadooda oo noqotay mid daxaleysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM